Posts

Showing posts from June, 2023

Dhacdooyinka Puntland 2001

12 Juun, 2001: Waxaa Golaha wakiilada warbixin dheer u gudbiyey Guddigii Doorashada oo ka koobnaa 13 mudane oo uu guddoomye u ahaa Maxamed Axmed Kulan oo hadda ah wasiiru dowle Puntland, waxayna ka sheekeeyeen sababaha hortaagan in dastuurka afti dadweyne lagu ansixiyo, Waxaa baahiyey Radio Gaalkacyo 27 Juun, 2001: Golaha wakiilada ayaa isku raacey muddo kororsi, waxaa fadhiga soo xaadirey 59 Xildhibaan, waxaana oggol u codeeyey 42 xildhibaan in muddo saddex sano ah oo kale xilka hayaan, waxaa baahiyey Radio Gaalkacyo. 2 Luuliyo, 2001: Waxaa ku dhawaaqey in uuMadaxweynaha kumeelgaarka ah ee Puntland yahay guddoomiyii Maxkamadda Sare Yusuf Xaaji Nuur, isaga oo cuskanaya Axdiga qodobka 34, waxaa baahiyey BBC Somali. 9 Luuliyo, 2001: Waxaa la dhaariyey 39 Xildhibaan oo cusub oo kamid noqdey Golaha wakiilada, guddoomiyihii xiligaas Yusuf Xaaji Siciid, waxaana uu ku dhawaaqey saddex sano oo cusub oo ka bilaamatey, sidoo kale waxa uu sheegay in Madaxweynaha iyo ku-xigeeniisa horey loo dhaar