Dhacdooyinka Puntland 2001

12 Juun, 2001: Waxaa Golaha wakiilada warbixin dheer u gudbiyey Guddigii Doorashada oo ka koobnaa 13 mudane oo uu guddoomye u ahaa Maxamed Axmed Kulan oo hadda ah wasiiru dowle Puntland, waxayna ka sheekeeyeen sababaha hortaagan in dastuurka afti dadweyne lagu ansixiyo, Waxaa baahiyey Radio Gaalkacyo


27 Juun, 2001: Golaha wakiilada ayaa isku raacey muddo kororsi, waxaa fadhiga soo xaadirey 59 Xildhibaan, waxaana oggol u codeeyey 42 xildhibaan in muddo saddex sano ah oo kale xilka hayaan, waxaa baahiyey Radio Gaalkacyo.


2 Luuliyo, 2001: Waxaa ku dhawaaqey in uuMadaxweynaha kumeelgaarka ah ee Puntland yahay guddoomiyii Maxkamadda Sare Yusuf Xaaji Nuur, isaga oo cuskanaya Axdiga qodobka 34, waxaa baahiyey BBC Somali.


9 Luuliyo, 2001: Waxaa la dhaariyey 39 Xildhibaan oo cusub oo kamid noqdey Golaha wakiilada, guddoomiyihii xiligaas Yusuf Xaaji Siciid, waxaana uu ku dhawaaqey saddex sano oo cusub oo ka bilaamatey, sidoo kale waxa uu sheegay in Madaxweynaha iyo ku-xigeeniisa horey loo dhaariyey, sidaas waxaa baahiyey Radio Gaalkacyo.


25 Luuliyo, 2001: Isimada Puntland ayaa ku dhawaaqey in mudadii xil haynta maamulkia Puntland ay ku ekayd 30-kii Juun 2001, ayna muddo bil ah xukunkii gobolka gacanta ka saareen Guddoomiyaha maxkamadda sare, si uu isugu yeero isimada gobolka. Axmed Kismaayo BBC Somali.


29 Luuliyo, 2001: Hay'adihii gargaarka ayaa isaga baxay Puntland iyaga oo cabsi ka qaba rabshado, waxaa baahisey IRIN.


5 Ogoosto, 2001: Waxaa magaalada Boosaaso ka dhacay dagaal kadib markii Col Cabdullaahi Yusuf iyo ciidamo uu wato ay halkaas gaareen, waxaana ka horyimid ciidamadii horey u joogey iyo Malayshiyaad beeleedyo taageersan go'aanka isimada. Axmed Kismaayo BBC Somali.


6 Ogoosto, 2001: Cabdullaahi Yusuf iyo ciidankiisi waa isaga soo baxeen Boosaaso, waxaana ay baas ku dhaafeen Garoowe oo la filaayey in ay ku hakan doonaan, waxaana uu saldhig ka dhigtey Gaalkacyo, isaga oo caalamka u sheegay in Itixaad ay inqilaabeen maamulkii Puntland, waxaana uu taageero ka helay maamulkii Malas Zenawi ee Itoobiya. (Xusuus qor)


26 Ogoosto, 2001: Waxaa Garoowe ka furmey shirweynihii ergooynka gobolada Puntland ee dhismaha dowladda Puntland kaas oo qaatey saddex bilood. Waxaa baahisey Somalitalk.


11 Sebteembar, 2001: Waxaa dhacay weerarkii al-Qaacida fulisey ee magaalada New York ee siyaasadda caalamka oo dhan wax ka beddalay, waxaana uu fursad u noqdey Col Cabdullaahi Yusuf (Xusuus qor)


20 Nofeembar, 2001: Waxaa Garoowe lagu doortey Col Jaamac Cali Jaamac in uu noqdo Madaxweynaha Puntland BBC Somali.


21 Nofeembar, 2001: Col Cabdullaahi Yuusuf ayaa weerar ku qaaday magaala madaxda Puntland ee Garoowe. Dagaalakan ayaa bara kiciyay shacabkii magaalada waxaa ku dhintey 14 qof, waxaa ku dhaawacmey 35 qof, waxaa Garoowe isaga baxay Col Jaamac Cali Jaamac oo aan salkaba dhulka dhigin, waxaana uu arun ka dhigtey Boosaaso.


18 Diseembar, 2001; waxaa dalka Kenya ka bilowdey shirkii dib u heshisiinta ee lagu soo dhisey ee markii danbe lagu soo dhisey Dowladda federaalka.


5 Maajo, 2002: waxaa Garoowe duleedkeeda ciidamo la yimid Col Khaliif Ciise Mudan, kuwaas oo sheegay in ay Cabdullaahi Yusuf, Garoowe ka saarayaan, wax dagaal ah oo weyn ma dhicin, ciidankaas baqo dirir ayaa ku dhacay waana kala yaaceen.


8 Maajo 2002: waxaa Cabdullaahi Yusuf uu gacanta ku dhigey Boosaaso, waxaa dalka isaga baxay Col. jaamac Cali jaamac iyo ku xigeenkiisi Goonle, waxaana uu ka dhoofey Laascaanood.


Puntland waa kala qaybsantey, waxaana dhacay ilaa saddex dagaal oo waaweyn, oo dhacay gobolka Bari, muddo kadib taariikhdu markey ahayd 3 Maajo 2003, waxaa dhacay heshiiskii Puntland dib u midowdey nabadna lagu soo dabaaley.


Waxaa Qoray Ismail Aw Musse :Taariikh Muhim ah oo la soo marey 22 sano ka hor maalmahan oo kale.

Comments

Popular posts from this blog

Unjust Detention of Renowned Marine Scientist Raises Concerns in Somaliland

Who is Minister Mohamed Said Farole, the incumbent minister of MOPEDIC

Gara'ad Port mega project is opened first Phase