Badhan iyo Dhahar waxay ku socdaan waddadii ay Laascaanood martay 2006/2007. Wadiiqada yar, wadiiqada wayn bay kugu riddaa. Muuse Biixi oo Badhan iyo Dhahar habeenno u howday haddii aad aragto ha qariibsan. Talo iyo Tabar midna lama hayo maanta." Sawirka Maxamed Siciid Nuur/Faysbuug             Maxamuud Siciid Nuur , La-taliye-sare oo ka tirsan Madaxtooyada Dawladda Puntland ,  ayaa sidaas ku qoray bartiisa uu ku leeyahay faysbuuga . Tacab lagu khasaaray; Dib u habaynta ciidama Puntland. (Been iyo mala-awaalka muddo shacabka lagu maaweelinaayey) Maanta waxaa shacabka sharafta badan ee Puntland u cadaatay in dib u habayntii ciidamada Puntland ee  muddada la soo waday ay ahayd mashruuc shaqsiyaad gaar ah danno ka fushadeen, taas-na waxaa daliil u ah qodobadan  hoose. 1. Waxaa la sheegay in Badhan laga daahfuray xero ciidamada lagu tababaro, dhawr jeer oo hore waa laysku soo sawiray.  2. Isla xeradaas aan kor ku xusay, waxaa lagu sheegay in ciidamo tira badan lagu tababaray laguna qa...