Maxamuud Siciid Nuur oo walaac ka muujiyay Booqashada wafdiga Somaliland ee Badhan iyo Dhahar

Badhan iyo Dhahar waxay ku socdaan waddadii ay Laascaanood martay 2006/2007.

Wadiiqada yar, wadiiqada wayn bay kugu riddaa. Muuse Biixi oo Badhan iyo Dhahar habeenno u howday haddii aad aragto ha qariibsan. Talo iyo Tabar midna lama hayo maanta."

Sawirka Maxamed Siciid Nuur/Faysbuug

Maxamuud Siciid Nuur, La-taliye-sare oo ka tirsan Madaxtooyada Dawladda Puntland, ayaa sidaas ku qoray bartiisa uu ku leeyahay faysbuuga.

Tacab lagu khasaaray; Dib u habaynta ciidama Puntland. (Been iyo mala-awaalka muddo shacabka lagu maaweelinaayey)

Maanta waxaa shacabka sharafta badan ee Puntland u cadaatay in dib u habayntii ciidamada Puntland ee muddada la soo waday ay ahayd mashruuc shaqsiyaad gaar ah danno ka fushadeen, taas-na waxaa daliil u ah qodobadan hoose.

1. Waxaa la sheegay in Badhan laga daahfuray xero ciidamada lagu tababaro, dhawr jeer oo hore waa laysku soo sawiray. 
2. Isla xeradaas aan kor ku xusay, waxaa lagu sheegay in ciidamo tira badan lagu tababaray laguna qalabeeyeey.

3. Waxaa la sheegay in tiro koob rasmi ah lagu samayeey dhammaan ciidamada Puntland ee Gobolada Sanaag iyo Hayland.

4. Waxaa la sheegay in loo dhamaystiran dhammaan agabka ciidan ku hawl karo , ciidamada joogo Sanaag iyo Hayland.

5. Waxaa Dawladda Puntland soo dhawaysay, lana qaramayeey ciidamo la sheegay in ay ka soo goosteen horena uga mid ahaan jiray Somaliland.

6. Waxay Puntland muddo saddex sanno ah shacabka Puntland u sheegaysay in ay guud ahaanba ay gacanta si buuxda ugu hayso Gobolada Sanaag iyo Haylaand. 

Sawir ciidamada dhawaan tababar loogu soo xiray/Xero

Hadaba waxaa cad in Dawladda Puntland aysan Sanaag u dhisin ciidamo leh astaan dawladeed ee ay dhistay ciidamo shaqsiyaad maamushaan, dhammaan tacabkii lagaliyeeyna uu yahay khasaaro. Somaliland wafti heer Wasiiro ah uma soo dirteen mana soo hawaysateen imaanshaha Gobolada Sanaag iyo Hayland haddii ay wax ka jiri lahayeen beenta iyo mala-awaalka mudada shacabka lagu maaweelinaayeey. 

Ugu danbayntii; Waxaa la gudboon Madaxweynaha Puntland iyo guddiga ugu xilsaaran arrimaha ciidamada in ay dib u qiimayn rasmi ah ku samayeen ciidamada Gobolada Sanaag iyo Haylaand ee laga dhigtay mashruuca danaha shaqsiga ah u adeega.

Comments

Popular posts from this blog

Unjust Detention of Renowned Marine Scientist Raises Concerns in Somaliland

Who is Minister Mohamed Said Farole, the incumbent minister of MOPEDIC

Gara'ad Port mega project is opened first Phase