MADAXWEYNE DENI OO MAGACAABID CUSUB SAMEEYAY
MADAXWEYNE SAID ABDULLAHI DENI OO MAGACAABID CUSUB SAMEEYAY
![]()  | 
| H. E Said Abdullahi Deni (06 August 2022) | 
MAGACAABID LA-TALIYEYAASHA MADAXWEYNAHA EE SIYAASADDA IYO DIMUQRAADIYADDA, MASHAARIICDA IYO KHEYRAADKA DABIICIGA AH IYO ARRIMAHA BULSHADA
![]()  | 
| Puntland State House facebook | 
Garoowe: 08 August 2022 : Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne LR 41, LR 42 , LR 43 oo ku saabsan magacaabid Saddex La-taliye Madaxweyne oo kala ah, La-taliyaha Siyaasadda iyo Dimuqraadiyadda, La-taliyaha Mashaariicda iyo Kheyraadka Dabiiciga iyo La-taliyaha Arrimaha Bulshada.
Markuu arkay:  Dastuurka  Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.
Markuu arkay: Aqoontooda iyo waayo-aragnimadooda shaqo.
Wuxuu xeeriyey:
1. Waxaa Maxamed Cali Faarax (Farmayeeri) loo magacaabay La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Bulshada. 
2. Waxaa Cismaan Yuusuf Maxamuud loo magacaabay La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Siyaasadda iyo Dimuqraadiyadda.
3. Waxaa Axmed Siciid Ismaaciil (Qolombi) loo magacaabay La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Mashaariicda iyo Kheyraadka Dabiiciga ah. 
*Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.
DHAMMAAD 
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.


Comments
Post a Comment